Xildhibaan Faroole oo ku baaqay Madaxweynaha cusub in aan lagu faragelin soo xulista Ra'iisul Wasaaraha cusub

16 February 2017

Xildhibaan C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo dib ugu laabtay Magaalada Garowe, ayaa madaxda Madasha ugu baaqay in aanay ku mashquulin Madaxweynaha cusub ee la doortay, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo). 

Xildhibaan C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud, ayaa waxa uu madaxda madasha uu ugu yeeray in fursad Madaxweynaha Somaliya loo siiyo uu ku soo xusho Ra’iisal Wasaarihiisa. 

Isagoo shalay subax ka tagey Magaalada Muqdisho, ayuu sababta uu uga taga waxa uu ku sheegay in dad culeys ku haaya awgood, aanay u isticmaalin in uu fara-geliyo cidda uu soo magacaabayo Madaxweynaha. 

C/raxmaan Sheekh Maxamed, ayaa tilmaamay in uu ku sii nagaan doono Garoowe inta laga soo magacaabayo Ra’iisu Wasaaraha, lagana soo xulayo Golaha Wasiirada ee Xukuumadda. 

Wuxuu intaa ku daray Dowladda Dhexe Somaliya in aanu ku filnayn dhaqaalaha ka soo xarooda Dakada Muqdisho, sidaasi daraadeedna aan loo baahnayn in Madaxweynaha lagu fara-geliyo cidda uu soo magacaabi doono, lana rabo in la iimaansado cidda uu soo xusho. 

C/raxmaan Faroole, ayaa Madaxda Maamul Goboleedyada ugu baaqay in ay u adeegan bulshadooda ay abaaruhu halakeeyeen, oo aanay ku mashquulin shaqada Madaxweyne Farmaajo. 

Madaxweynaha cusub ee dalka ayaa ku mashquulsan soo xulista qofka uu u magacaabi doono Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka, maadaama la doonaayo dalka in loo sameeyo Ra’iisul Wasaare iyo Xukuumadiisa.

Comments