Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha oo Guddi u xil saartay cabasho ka soo yeertay Xoogsatadii Dakadda Muqdisho

15 February 2017

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Somaliya Cismaan Libaax Ibraahim ayaa ka hadlay cabasho ka soo yeertay xoogsatada Dakadda weyn ee Muqdisho ka shaqeysan jirtay.

Wasiir ku Xigeenka ayaa sheegay in loo soo gudbiyay cabashadooda isla markaana ay wax ka qabanayan sida ugu dhaqsiyaha badan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay cabashadooda iyo qaabkii loo xalin lahaa ay u saareen Guddi, Waxa uuna xusay in ay xaq u leeyihiin in ay ka doodaan culeys walbo oo soo wajaha.

Waxa uu xusay in ay muhiim tahay in la dhageysto cabashadooda ayna ku dadaalayaan sidii loo qancin lahaa isla markaana ay Wasaaradu dadaal badan sameyneyso.

Shalay ayay ahayd markii banaanbax Cabasho ah ay dhigeen Xoogsatada Dekeda weyn ee Muqdisho kuwaasi oo shaqooyinki Dekeda ay ka hayeen la wareegtay Shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga.

Comments