Somaliland oo si kulul uga jawaabtay hadalo ka soo yeeray Hanti dhowrka Qaranka Somaliya

Somaliland ayaa waxa ay si kulul uga jawaabtay hadalo ka soo yeeray dowladda Somaliya, kaasi oo ku aadanaa Heshiiskii Somaliland ay la gashay dowlada Isu taga Imaaraadka Carabta, kaasi oo ku saabsanaa dhismaha Saldhiga Millateri ee Imaaraadka.

“Somaliland waxay si adag u cambaaraynaysaa hadalkii Riyada, Indha-adayga iyo Meel-ka-dhacaba ahaa ee ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya (14.02.2017-ka), taasoo ay si qaawan oo aan xishood lahayn ugu faro gelisay Heshiiska dhex maray Dawladaha Jam. Somaliland iyo Imaaraatka Carabta ee la xidhiidha Saldhiga Milatari ee laga hirgelinayo Marsada Caalamiga ah ee Berbera.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland

Hadalka ka soo baxay Xukuumadda Somaliya waa mid gef, meel ka dhac, faro-gelin iyo aflagaadaba ku ah Qarannimada iyo jiritaanka Jam. Somaliland iyo shacabkeedaba. Hadalka ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya wuxuu ahaa hadal si toos ah loogu faro-gelinayo nabadda iyo degenaanshaha Somaliland oo salka ku haya hurin colaadeed, iska horkeen shacab iyo aafo la kala dhex-dhigo Ummadda Jam. Somaliland ee ku sifowday samaha iyo nabad ku wada noolaanshaha.

Somaliland ayaa sheegtay inay yihiin dal madax Banaan, islamarkaana aanan lagu xadgudbi Karin arimaheeda.

“Xukuumadda ka talisa Villa Somalia waxaanu leenahay: “Jam. Somaliland waa dal madax bannaan oo aan sinaba uga mid ahayn maamul goboleedyada gacan-ku-rimiska ah ee hoos yimaada waxa loogu yeedho Nidaamka Federaalka. Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland maaha wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse waa mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka ay qaateen shacbi-weynahayagu. Dawladda Jam. Somaliland oo ku fadhida codka iyo kalsoonida shacabka ayaa xaq u leh inay gasho oo ay sexeexdo heshiis kasta oo Caalamiga ah oo ay ku jiraan danaha iyo masaaliixda dalka iyo dadka JSL.”

Guntii iyo geba-gabadii, Dawladda Jam. Somaliland waxay baaq dheer u diraysaa Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacada Carabta, Urrurka Dalalka Islaamka iyo dhamaanba Dalalka ku Midoobay Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa inay si cad wax uga qabtaan fara gelinta qaawan ee ay Dawladda Soomaaliya ku hayso arrimaha Jam. Somaliland.

Faallooyin