Doon u rarneyd ganacsato Somali oo ku degtay Xeebaha dalka Yemen

15 February 2017

Wararka laga helaayo xeebaha dalka Yemen ayaa waxa ay sheegayaan  in halkaasi ay ku degtay dooni u rarneyd Ganacsato Somaliyed oo ku soo jeeday Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Doontaan ayaa  afar cisho ka hor  ka soo baxay dalka imaaraadka carabta, hayeeshe waxa ay ku degtay Xeebaha dalka Yemen, sida ay sheegeen qaar ka mid ah ganacsatadii doonta ay u rarneyd .

Doonta ayaa la sheegay inay saarnaayeen shixnad u badan gaadiid, islamarkaana ay lahaayeen ganacsato reer Galmudug ah.

C/fataax Xuseen Sheekh oo ka mid ah Ganacsatadii doonta ay u rarneyd ayaa sheegay in doonidan waxyaabaha ay wadday ay u badnaayeen gaadiid, waxaana khasaaraha hantida ee halkaasi ka dhashay uu ku sheegay inay gaareyso 2 Milyan oo doolar.

“Aniga waxaan kamid ahaa ganacsatadii u rarneyd doonidan, waxaa saarnaa alaab u badan gaadiid, xalay ayaa si lama filaan ah waxaa ku dhuftay roob xooggan oo dabeylo watay, mowjado ayaana ku kacay” ayuu yiri C/fitaax.

Comments