Somaliland oo beenisay heshiis dhinaca Millateriga inay la gashay Imaaraadka Carabta

Somaliland ayaa sheegtay in aysan jirin wax heshiis ah oo ay la galeen Dowladda Imaaraadka Carabta ee ku aadan Saldhiga Millatari ee laga dhisayo Magaalada Berbera.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in weli uusan jirin heshiis dhex maray Somaliland iyo Dowladda imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha dibada  Somaliland Sacad Cali Shirre ayaa sheegay in Somaliland ay taqaano danteeda isla markaana aysan jirin wax heshiis ah oo ay kala saxiixdeen dowladda Imaaraadka Carabta.

“Illaa iyo hada wax heshiis saldhig Milateri oo aan saxiixnay,  cid aan la gaarnay ma jirto, umad walba danteeda ka talisaa, arrinta saldhiga ma ahan arrin qaran kaliya, waa arrin gobol, dabcan Jabuuti iyo  Itoobiya waa ka wada hadalnay, waa ku wargelinay”ayuu yiri Dr. Sacad Cali Shire.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha dibada Maamulka Somaliland Sacad Cali Shirre ayaa faah faahin ka bixiyay Wafdi Wasiiro ah uu isaga hogaaminayo oo kulamo kula soo qaatay Masuuliyiinta Dowladda Itoobiya.

Waxa uuna sheegay in wax badan ay ka wada hadleen isla markaana ay rajeynayaan in dowladda Itoobiya ay taageero dhinac walbo siiso Maamulka Somaliland.

Faallooyin