Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo tanaasulay

08 February 2017

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ka mid ah afarta musharax ee u soo gudubtay wareega 2-aad ee doorashada, ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu tanaasulay.

Cumar C/rashiid oo hadal ka jeediyay madasha doorashada, ayaan kala cadayn cidda uu u tanaasulay, balse waxaa uu Xildhibaanada u maldahay in ay dareemaan halka uu u janjeero.

Xasan Sheekh Maxamuud, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Shariif Sheekh Axmed, ayaa hadda isugu soo haray wareega 2-aad ee doorashada.

Musharaxii helaa saddex meelood laba ka mid ah codadka Xildhibaanada, waxaa weeye madaxweynaha afarta sano ee soo socota.

Comments