Sheekh Bashiir Axmed Salaad: Xildhibaanada waa inay doortaan qof dalkaan iyo dadkaan hogaamin kara

08 February 2017

Hay’adda Culimadda Somaliyed, ayaa fariin u dirtay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee maanta dooranaya Madaxweynaha cusub ee dalka hogaamin doona.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee dalka iyo Golaha Shacabka oo tiradooda ay gaareyso 329 Xildhibaan ayaa soo dooran doona Madaxweynaha cusub ee Afarta sano ee soo socota Hogaamin doona dalka.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Culimadda Somaliyed, ayaa Warbaahinta u sheegay in loo baahan yahay Xildhibaanada inay soo doortaan qof Somaliya masiirkeeda hogaamin kara.

“Isbadal ayay muujineysa in dadka muslimiinta ay madaxdooda doortan ayaa xaq u leh,  waxaan soo jeedineynaa inay si nabad ah ku dhacdo oo ay ka faa’iideystaan fursadaan ayna doortaan hogaamiye dalkan wax u qaban kara oo fulin kara danta, dalka iyo Diinta, Xildhibaanada waxaan u rajeyneynaa inay gutaan waajibaadkooda Qaran ee ka saaran shacabka.” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Doorashada Somaliya ayaa goor dhaw waxa ay ka bilaabanaysaa Magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada ammaanka si weyn u adkeeyeen ammaanka caasimada.

Comments