Ciidamada ammaanka oo howlgal ka wada duleedka Muqdisho, kadib weerar xalay ka dhacay Ceelasha Biyaha

08 February 2017

Ciidamada dowladda Federaalka Somaliya ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay howlgallo ka wadaan inta u dhaxeysa deegaannada Sarkuusta iyo Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, kaasi oo amniga lagu sugayo.

Wararka waxay sheegayaan in howlgalkaan uu daba socdo weerar  xalay Al-shabaab ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda oo fariisin ku lahaa duleedka Muqdisho, inkastoo khasaaraha weerarkaasi ka dhashay aan la caddeyn.

Ciidamada ayaa baaraya sida la sheegay xaafadaha ku yaalla halkaasi, iyadoo weli aan lasoo sheegin in howlgalkaan dad lagu soo qabtay iyo in kale.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada qaarkood oo aynu xiriir la sameynay ayaa inoo suuragelin inaan qadka taleefanka ku helno.

Waxaa jirin isku socod gaadiid iyo dadweyne inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Ceelasha biyaha, xilli maanta magaalada Muqdisho ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Comments