Ra'iisul Wasaare Ku xigeenka: Ciidanka ha u naxariistaan dumarka foosha ah iyo dadka xaaladaha deg deg ah qabsadaan

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Somaliya Maxamed Cumar Carte ayaa ka hadlay Doorashada Madaxweynaha Somaliya oo maanta ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in ay rajeynayaan Doorashada Madaxweynaha in sidii loogu tala galay ay ku soo idlaato, oo aysan dhicin arbushaad.

Waxa uu sheegay Ciidanka in looga baahan yahay in ay u naxariistaan shacabkooda, gaar ahaan waliba dadka jilicsan oo ay ka mid yihiin dadka xanuunsan, gabadha foolaneysa iyo wixii la mid ah, maadaama wadooyinka ay xiran yihiin.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay dhammaan shacabka in looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Ciidanka amniga, si ammaanka looga wada qeyb qaato.

"Sidoo kale waxa farayaa ciidamada iyaguna inay u naxariistaan shacabkooda, khaasatan dadka jilicsan, hadii ay tahay gabar foolanaysa ama qof xanuunsan iyo wixii la halmaala inay u naxariistaan awalba sidii ay horay ugu gar gaari jireen, iminkana maadaama Magaalada ay xiran tahay maalintaa si gaar ah inay ugu gar gaaraan, laakiin waxaa muhiim amniga in aan ka wada shaqeyno dhamaanteen amniga inagaa ku nool, isagana inaguma noola." Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.

Faallooyin