Ammaanka Magaalada Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay, xilli maanta doorashada ay dhaceyso

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada kala duwan ee dowladda la geliyay feejignaan heerkeeda uu sareeyo, waxaana la sugayaa ammaanka caasimada.

Ciidamada Booliska Iyo Nabad Suggida ayaa aad u dhooban wadooyinka Magaalada Muqdisho si ay u adkeeyaan ammaanka, iyadoo meelaha qaar dadka shacabka ah laga celinaayo inay maraan.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in si weyn loo adkeeyay ammaanka waxayna sheegeen in qorshahooda uu yahay in doorashada si nabadgelyo ah ku dhacdo.

Shacabka Muqdisho ayaa sii ogaa maanta in si aad ah amniga loo adkeynaayo, wadooyinkana loo diidaayo isu socodka dadka rayidka ah meelaha qaar.

Nawaaxiga Xarunta ciidanka Cirka ee Afisiyooni, wadada laamiga ah ee halkaasi marta ayaa la sheegay in gabi ahaanba loo diiday isu socodka dadka rayidka ah, sidoo kale wadooyinka qaar oo ay ka mid tahay wadada maka Al-Mukarama ayaanan lagu arkeyn dad shacab ah oo lugeynaya.

Dadka reer Muqdisho ayaa maanta ah kuwa ku jira guryahooda, sidoo kalena aad u la socda Warbaahinta oo ay kala socdaan hadba xaalada sida ay tahay.

Faallooyin