Madaafiic xoogan oo caawa laga maqlay Magaalada Muqdisho

Inta badan xaafadaha Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa caawa laga maqlay madaafiic xoogan, kuwaa oo aan wax badan laga garanayn goobta laga soo tuuray.

Tiro madaafiic ah, ayaa ku kala dhacay xaafadda Cadayga ee Degmada Xamar Weyne, agagaarka Isgoyska Dabka iyo meel ku dhow Jazeera Hotel oo ku yaala Degmada Wadajir.

Inkastoo aan illaa iyo hadda la soo sheegin dad ku waxyeeloobay madaafiicda, ayaa waxay hadana ahaayen kuwo baqdin ku dhaliyay bulshada reer Muqdisho.

Madaafiicdan oo aan la aqoon ujeedada laga leeyahay, ayaa waxay saraakiisha ammaanka ay ku sheegeen kuwo been abuur ah, oo dadka uun lagu argagax gelinaayay.

Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho, ayaa soo sheegaya in madaafiicdan ay ku soo beegmayan, xilli si wayn loo adkeeyay ammaanka Muqdisho.

Maalinta berrito ah, ayaa waxaa lagu wadaa in Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ay soo doortan madaxweyne.

Faallooyin