Xildhibaan Sheekh Shaacir iyo Xildhibaan Maxamed Nuux oo lagu dhaariyay xarunta Baarlamaanka

05 February 2017

Xarunta Baarlamaanka Somaliya, waxaa goor dhaweyd lagu dhaariyay labo Xildhibaan oo ka mid ah Xildhibaanadii Shanta ahaa ee dhawaan dib loo doortay.

Xildhibaan Sheekh Shaacir oo lagu soo doortay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay ka mid noqoshada Baarlamaanka cusub ee dalka.

Sidoo kale waxaa la dhaariyay Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan Nuux oo si rasmi ah u noqday Xildhibaan, kadib markii shalay lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Kulanka Baarlamaanka oo ka socda Muqdisho, ayaa Xildhibaanada waxa ay dhageysanayaan Khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta xilka Madaxtinimada dalka.

Khudbadaha hada socda ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee ay jeediyaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Somaliya.

Comments