Garsoore mamnuucay go'aankii Trump uu ku mamnuucay todobo dal oo Somaliya ay ku jirto

Garsoore ka tirsan Maxkamadda Federaalka Mareykanka ee Gobolka Washington ayaa mamnuucay go’aankii Jimcihii hore uu Donald Trump ku mamnuucay in ay Mareykanka galaan dadka ka soo jeeda 7 dal oo Muslim ah. 

Xaakimka oo lagu magacaabo James Robart ,ayaa amar ku bixiyay in dib loo fasaxo dhamaan dadka soo galowga ah ee ka soo jeeda dalalka 7-da ah ee la mamnuucay. 

Amarkan ayey qasab ku tahay fulintiisa laamaha Arrimaha dibadda,socdaalka iyo Xafiiska Madaxweynaha ee wareegtadii hore ka soo baxday. 

Amarkii Trump,waxa uu hor istaagay in dalkaas ay galaan 60,000  oo qof oo watay dal ku gallo sax ah,waxaana lagu sameeyay kala noqosho. 

Trump ayaa muddo afar bilood ah dadka soo galowga ah ee ka soo jeeda 7 dal oo ay Somaliya ku jirto ka hor istaagay in ay galaan Mareykanka. 

Amarka garsoore James waxaa uu buri karayaa marka xafiiska Madaxweynaha ee Trump uu racfaan ka qaato,haddii aysan dhicina waxaa dib u furmaya gelidda Mareykanka.

Faallooyin