Laba ruux oo ku dhintay iska horimaad xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso

Ugu yaraan laba ruux, ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhimatay iska horimaad xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoo laba kalana ay ku dhaawacantay.

Iska horimaadkan, ayaa u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Puntland iyo dabley hubeysan, oo weerartay bar kontorool oo ciidamada ammaanku ay ku leeyihiin dhinaca koonfureed ee Magaalada Boosaaso.

Dableydii weerarka soo qaaday, ayaa daqiiqado ka dib ka baxsatay halkii uu weerarku ka dhacay, mana jirin cid ay Ciidamada Puntland u soo qabteen.

Saraakiisha Puntland, ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in ay baxsadeen raggii weerarka soo qaaday, iyagoona horey u sii qaatay tiro iska horimaadka looga dhaawacay.

Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa muddooyinkan ku soo badanaayay weerarada ay ka gaysanayan maleeshiyada lala xiriirinayo Al Shabaab.

Faallooyin