Gen. gaafoow,

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu doorto kursiga 2-aad ee xildhibaanimo ee jilibka Habarceeno/Murudsade, ka dib markii Guddiga Xalinta Khilaafaadka, ay bishii hore amreen in dib loogu noqdo doorashadaasi.

Doorashadan oo bishii November markeedii ugu horeysay lagu qabtay Magaalada Cadaado, ayaa waxaa si sharci-darro ah ugu soo baxay C/qaadir Gaafow Maxamuud, oo la dhashay Taliyaha Hay'adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), General C/laahi Gaafow Maxamuud.

Doorashada, ayaa waxaa xilligii Cadaado ku tartamaayay musharaxiinta kala ah C/qaadir Gaafow Maxamuud, C/qaadir Xasan Warsame, C/qaadir Nuur Caraale, Sakariye Maxamuud Cosoble iyo Maxamed Maxamuud Guure oo dalka dibadiisa ku maqan

Musharaxiintan, ayaa Talaadadii waxay Magaalada Muqdisho kula kulmeen Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, iyagoona ka wada hadlay sidii doorashada lagu qaban lahaa. Intii uu kulanku socday waxaa is casilay Sakariye Maxamuud Cosoble.

Inta kale ee musharaxiinta, ayaa dood ka keentay inaanay doorashada ka qaybgeli karin, maadaama ergada wax soo dooraneysa ay ku eedeeyen in uu soo qortay C/qaadir Gaafow Maxamuud.

Wada hadal dheer ka dib, ayaa waxay ku kala taggeen in Guddiga Doorashooyinka lala kulan-siiyo Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Murudsade, haddii ay qiraan in aysan ku qanacsanayn ergada, si muddo saddex maalmood loogu soo xulo ergo kale.

Iyadoo aanay Guddiga Doorashooyinka la kulmin Odayaasha Dhaqanka, ayaa waxay musharaxiinta ku wargeliyeen in doorashada kursiga Habarceeno, ay Khamiista maanta ihi ka qabsoomi doonto Magaalada Muqdisho, lagana doonayo in ay ka soo qaybgalaan.

Musharax C/qaadir Xasan Warsame, ayaa sheegay in Guddiga Doorashooyinka kala hadleen sharci-darrada intaa le'eg ee ay ku dhaqmayan, ha yeeshee ay ku adkeysteen in doorashada la qabanayo 8:00 subaxnimo ee maanta, loogana baahan yahay in ay ka soo qaybgalaan.

Wuxuu sheegay in ergada wax dooraneysa ay 18 ka mid ah yihiin ergadii soo dooratay Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, oo doorashadiisa ay bishii November ka dhacday Magaalada Cadaado.

Ergada kale ee lagu wado in ay wax doorato, ayuu tilmaamay in ay isugu jiraan saraakiil iyo ciidan ilaalo u ah Taliyaha Nabad Suggida iyo xubno kale, oo sida uu sheegay ay soo xuleen dad dalaaley ah.

Waxaa uu intaa ku daray Sakariye Maxamuud Cosoble oo isu casilay Guddiga Doorashooyinka hortooda, in garabka Gaafow ay u yeereen, kuna qanciyeen in doorashada uu ka qayb qaato, iyadoo tanina loogala jeedo musuq maasuq.

Dhanka kale musharax C/qaadir Xasan Warsame, ayaa xusay goobta doorashada lagu wado in lagu qabto aan loo taggi karin amni darro, sababo ku aadan Taliyaha Nabad Suggida oo goobtaasi geeyay ciidan fara-badan oo Nabad Suggida ka tirsan.

Kursiga jilibka Habarceeno, ayaa ka mid noqonaya tiro kuraas ah oo musuq maasuqii ugu xooganaa lagu sameeyay, iyadoo markaasi la adeegsanayo hantidii uu qaranku lahaa.

Faallooyin