Faadumo Qaasim Dayib oo sheegtay in laga saaray Liiska guddiga ilaalinta anshaxa iyo asluub wanaaga doorashada

Faadumo Qaasim Dayib, ayaa sheegtay in laga saaray Liiska Guddiga Ilaalinta Anshaxa iyo Asluub wanaaga Doorashada Madaxweynaha Somaliya.

Guddigaan ayaa waxaa magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somaliyed, waxaana ay yihiin guddiga loo qorsheeyay in doorashada ay ka shaqeeyaan, dhanka nidaamka Doorashada.

Faadumo Qaasim Dayib oo la hadashay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, ayaa cadeysay in lagu wargeliyay in laga saaray Guddigaasi, iyadoo sababta ku sheegtay.

“Sababta Liiska la iiga saaray, waxaan u arkaa iney xoojineyso wal-wal-ka ay murashaxiinta iyo shacabka ka qabaan doorashada oo ah in doorashada u dhacdo ama in la yeelo sida dad qaar ay rabaan”

Faadumo ayaa sheegtay inaysan garaneyn sababta kaligeed loo beegsaday, balse ay sheegtay inay tahay qof aanan la iibsan karin oo cod dheer leh, taasina ay tahay arinta loo dulqaadan waayay.

 “Aniga keliya sababta 9-ka qof la iiga dhex saaray, waxaam is leeyahay waxaa la arkey in  codkeyga dheer yahay, in doorashada aan ka dhigi doono mid hufan, In aan la ii gadan Karin oo an la ii aamnusin karin.”

Faallooyin