Shabaab oo sheegay Feysal Yuusuf Aadan inuu ahaa ruuxii isku qarxiyay Xerada ciidamada Kenya ee Kulbiyow

Al-shabaab ayaa shaacisay in Qofkii isku qarxiyay weerarkii Kulbiyow uu ahaa Feysal Yuusuf Aadan, kaas oo la shaqeyn jiray Sheekh Dulyadeyn oo isna lagu dilay weerar gaar ahaa oo ay fuliyeen diyaarado. 

Wareysi laga qaaday ka hor inta uusan is qarxin ayuu Feysal kaga hadlay Reerkiisa,halka ay degaan,waxaana uu ka soo jeeday degmada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo, isaga oo sheegay inuu u dhashay Beesha Mareexaan. 

Shantii sano ee la soo dhaafay ayey Al-shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa qeybta isqarxinta ee Al-shabaab ugu dambeyna isku qarxiyay Xero Ciidanka Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Kulbiyow ee Jubbada hoose. 

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Raggii fuliyay weerarkii Kulbiyow ay isugu jireen Somali,Kenyaan iyo Tanzaniyaan ka tirsan Al-shabaab ee Somaliya.

Shabaab ayaa bilaabay muddooyinkaan dambe inay shaaciyaan magacyada iyo qabiilada ay u dhasheen ragga fuliya weerarada isqarxinta ah.

Faallooyin