Madaxweyne Ku xigeenka Puntland: Dowladda waa inay wax ka qabataa Maraakiibta Kheyraadka iska guranaya

31 January 2017

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Eng.C/Xakiin Cabdullaah Cumar Camey,ayaa waxaa uu dowladda Federaalka Somaliya ugu baaqay in ay wax ka qabato maraakiibta shisheeye ee jooga biyaha Somaliya. 

Camey,waxaa uu ku dooday in ujeedkii Maraakiibta ay u yimaadeen biyaha Somaliya ay meesha ka baxday,sidaas darteedna loo baahan yahay in Maraakiibta laga saaro biyaha Somaliya. 

Waxa uu intaas ku daray in Maraakiibta ay hadda guranayaan kheyraadka dalka sidoo kalena ay Haamo sumeysan ku daadinayaan xeebaha Somaliya taas oo dhibaato ku ah dadka iyo deegaanka. 

Waxaa uu dowladda ugu baaqay in ay dib u eegis ku sameyso shaqada Maraakiibta Shisheeye oo u uga mahad celiyay  howlaha ay ka qabteen Soomaaliya, maadaama Burcad badeeda ay cirib tireen. 

“Runtii wax badan ayaa laga qabtay Burcad badeeda, sanadkii ina dhaafay laba jeer ayaa la sheegay isku day Burcad, laakiin weli waxaa taagan ciidamadii wadamada kala jaadka ahaa ay wataan oo lagu soo ganbanayo ayaa soo baxday, waxaan leeyahay dad badan oo Ajaanib ah ayaa nala jooga, waxaan leeyahay in dib loo eego, maadaama Burcad badeedii ay meesha ka baxday waxaa la joogaa xilligii Maraakiibta ay dib ugu noqon lahaayeen dalalkooda.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku xigenka Puntland.

Comments