Malaaq Maxamed Cali oo xalay lagu dilay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir

Malaaq Maxamed Cali oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed, ayaa waxaa xalay lagu dilay Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.

Malaaq Maxamed Cali, ayaa waxaa lagu dilay dhabarka dambe ee Saldhiga Booliska ee Degmada Dharkiinley, ka dib markii uu Salaaddii Cishaha ku soo tukaday masaajid halkaasi ku yaala.

Laba nin oo dhalinyaro ahaa, kuna hubeysnaa bistoolado, ayaa Malaaq Maxamed Cali ka toogtay qaarka kore ee jirkiisa, iyadoona uu goobtaasi ugu geeriyooday rasaastii lala dhacay.

Raggan, ayaa waxaa dilka ka dib u suurta-gashay in ay ka baxsadaan goobtaasi. Ciidamada ammaanka ayaa daqiiqado ka dib gaaray halkii uu falku ka dhacay, xilli ay ka carareen dembiile-yaasha.

Dadka deegaanka, ayaa Universaltv u sheegay in aanay jirin cid ay laamaha ammaanku u soo qab qabteen dilka Malaaq Maxamed Cali.

Hay'adaha amniga iyo Maamulka Degmada Dharkiinley, ayaan weli ka hadlin dilka ka dhacay degmadaasi, sidoo kalana ma jirto cid sheegatay tallaabada lagu dilay marxuumka.

Faallooyin