Somaliland oo soo saartay go'aano cusub oo ku aadan Baasaboorka Somaliga

Somaliland ayaa soo saartay amaro ku saabsan Baasaboorka Somaliga ah ee lagu sameeyo deeganada Maamulkaasi, kadib markii ay shir wada qaateen Wasiirada ay quseyso arintaan iyo Saraakiisha ammaanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji ayaa yiri: “Waxaan halkaan ku soo jeedinnay cusbooneysiinta go’aanno horey loo soo saaray oo ku saabsan baasaaboorka Soomaaliya ee Somaliland lagu sameeyo ama sida ku qoran ay muujineyso in lagu sameeyay Somaliland gudaheeda”.

Go’aamadaas ayuu ku sheegay iney ka mid yihiin;

1- In gabi ahaanba la joojiyo qaadashada, isticmaalka iyo ku safarka baasaboorka Soomaaliya ee ka soo baxay ama ku qoran tahay in lagu sameeyay goob ka mid ah dhulweynaha jamhuuriyadda Somaliland, laga bilaabo January 2017.

2. Dhamaan Shirkadaha sararka iyo diyaaradaha baasaaboorkaan kor ku sheegnay kuma jari karaan tigidh.

3. Dhamaan laamaha socdaalka iyo Amniga waxa la farayaa in baasaboorkan dalka lagu soo gelin karin, lagagana bixi karin.

Dhanka kale, wasiirka duulista Farxaan Aadan Somaliland ayaa dhankiisa sheegay: “Baasaaboorka lagu sameeyo gobollada kale ee Soomaaliya waxa uu la mid yahay kuwa wadamada kale ee dunida laga soo qaato”.

“Go’aankan ayaa saameyn doonin baasaaboorradii hore loo qaatay wixii ka horreeyay January 2017, iyo kuwa kale ee lagu soo qaatay deegaannada kale ee Soomaaliya”, waana sida uu yiri wasiirka duulista Somaliland.

Faallooyin