Ciidamada Dowladda oo hawlgal qorsheysan ku dilay Taliyihii Ciidamada Al Shabaab ee Gobolka Gedo

Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo ku sugan ayaa hawlgal qorsheysan waxa ay ku dileen Taliyihii ciidamada Shabaab ee Gobolka Gedo.

Ciidamada oo fuliyay hawlgalka qorsheysan, ayaa waxa ay ku weerareen deegaanka Tuulo Barwaaqo oo 18-KM u jirta Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaasi uu ku sugnaa Sarkaalka Sare.

Sarkaalka la dilay, ayaa lagu magacaabi jirayC/laahi Qanaas, wuxuuna ahaa Taliyihii ciidamada Shabaab ee Gobolka Gedo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Xooga dalka Somaliya ayaa xaqiijiyay in hawlgalka uu u dhacay sidii loogu talo galay.

Sarkaalkan oo ka gaabsaday magaciisa, ayaa yiri “Ciidamada Xoogga Dalka Somaliyeed, ayaa ka war helay xero ciidan oo ninkaasi uu sugnaa, isla-markaana aysan la joogin ciidan badan oo ilaalo ah.”

“Ciidamada waxay iska caabin kooban kala kulmeen ciidan yar oo Al Shabaab ka tirsan, waxaana u suurta-gashay inay hawlgalkaasi qorsheysan ku qaarajiyaan C/laahi Qanaasi, oo Al Shabaab ugu magacawnaa Taliyaha Ciidamada Militariga ee Gobolka Gedo.”

“Intii uu hawlgalku socday, ayaa waxay ciidamadu dileen qaar ka mid ah ilaaladii ku sugneyd xerada, sidoo kalana waxay gacanta ku soo dhigeen Sarkaal, Al Shabaab u qaabilsanaa bixinta tababarada maleeshiyaadkooda.”

“Hadda oo aan kula hadlayo waxaa xerada ku sugan Ciidamada Xoogga Dalka Somaliyeed. Ciidamadu hawlgal ayay ka wadaan xerada dhexdeeda, xaaladuna way degan tahay.”

Faallooyin