Xasan Sheekh iyo C/raxmaan Faroole oo kulan Muqdisho ku wada qaatay

Madaxweynaha Somaliya ahna Musharax Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Mudane Cabdiraxmaan Faroole oo ka tirsan mudanayaasha Aqalka Sare ahna Musharax Madaxweyne .

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaaladda Somaliya iyo arimaha doorashooyinka , Madaxweyne Xasan sheekh ayaa sheegay inuu uga mahadcelinaayo madaxweynihi hore ee Puntland kaalintii uu ku lahaa in laga gudbo KMG taas oo uu sheegay inuu kaalin muuqata ka soo qaatay.

Faroole oo dhankiisa  hadlay ayaa sheegay in laga soo gudbay xilligii dhaliilaha la iska sheegi jiray haddana loo diyaar garoobaayo Doorashada, waxa una uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh wax qabadkiisii 4-ta sano ee la soo dhaafay oo uu talada haayay.

Mudane Faroole oo ah musharax Madaxweyne ayaa ololihiisa ka wada Muqdisho maadaama Doorashada Madaxweynaha ay dhacayso 8-Febaraayo 2017.

Faallooyin