Kenya oo sheegtay weerarkii Kulbiyow in looga dilay 9 Askari

Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Kenya ayaa ka warbixisay khasaaraha ciidankeeda ka gaaray weerar shalay subaxii ay Al-shabaab ku qaadeen xero Ciidan oo Kenyaanku ka degganaayeen deegaanka Kulbiyow ee Jubbada hoose.

Warka ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya ayaa lagu sheegay in 9 ka mid ah Ciidanka Kenya lagu dilay weerarkii Kulbiyow oo dhacay shalay oo Jimco ahayd,sidoo kalena looga dhaawacay 15 kale. 

Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga Kenya waxaa ay beenisay warka Al-shabaab ee ahaa in 70 ka mid ahaa Ciidanka Kenya ay ku dileen Kulbiyow,kuwo kalena nolosha ku qafaasheen,waxaana ay Dowladda Kenya beddelkeeda sheegtay in iyada ay leysay tiro badan oo ka mid ah Al-Shabaab. 

Ilaa hada si dhab ah looma oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi Shabaab ay ku qaadeen Xerada ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow.

Faallooyin