Weriye Abdisalam Hereri Oo Ka tirsan telefishanka Universal ayaa waraysi aad u dheer Oo dhinacyo badan taabanaya

Weriye Abdisalam Hereri Oo Ka tirsan telefishanka Universal ayaa waraysi aad u dheer Oo dhinacyo badan taabanaya, Waxaa uu magaalada Jigjiga kula yeeshay ra'iisal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Ra'iisal wasaarahu Waxaa uu magaalada Jigjiga u joogay laba maalmood xuska maalinta xoolo dhaqatada ee Ethiopia.

Waraysiga ayaa Abdisalam Hereri waxyaabaha uu ku waydiiyay raiisal wasaaraha Ethiopia Waxaa Ka mid ah abaaraha dalka Ethiopia isaga Oo intii uu ku sugnaa qaybta ismaamulka Somalida Soo booqday magaalooyinka Qabri dahare iyo Gaashaamo, Xaalada wakhtigan ee deegaanka Somalida ee Ethiopia.

madaxwaynaha Cusub ee loo doortay Maraykanka ee Donald Trump Iyo saamaynta ay ku yeelan karto Afrika gaar ahaana hawlaha nabad ilaalinta ee badan ee ay Ethiopia Ka qayb qaadato sida Somalia Oo kale.

Ra'iisal wasaarahu Waxaa kale Oo uu waraysiga kaga hadlayaa khilaafka webiga Niilka ee u dhexeeya wadankooda Iyo dalka Masar.

Hailemariam Desalegn waxaa kale Oo uu Abdisalam Hereri Ka waraystay arimaha Somalia Iyo Somaliland.Waraysigaasi Waxaa uu Ka bixi doonaa Universal TV Jimcaha 3 February 9 fiidnimo ee Afrikada bari,6 wakhtiga UK

Faallooyin