Al-Shabaab oo ugu yaraan 60 askeri oo Kenyan ah ku dilay weerarkii Kulbiyoow

Xarakada al-Shabaab ayaa la sheegay in ay hareerayeen xerada ciidamada militiga Kenya ee KDF ee Soomaaliya aroorti hore ee maanta KDF ayaa sheegay in ay iska dhiidhiyeen laakiin wararka ayaa tilmaamaya inuu khasaare culus soo gaaray.

Ugu yaraan 60 askari oo KDF ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen weerarka oo dhacay abarahii sideed saac oo habeenimo laakiin KDF ayaa beeniyay wararka sheegaya sidaas Tirada askarta KDF kuwaasoo ku dhintay weerarkii al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa weli aan la aqoon xitaa iyada oo ilo kala duwan ay xaqiijiyeen in ciidamada Kenya khasaare halis ah kala kulmeen weerarka.

Inkastoo Shabaab ay sheegteen inay ku dileen tiro badan oo ciidamada KDF inta lagu guda jiray weerarka, dawladda Kenya ayaa midaasi ku tilmaamay "dacaayada cadowga".

Weerarka ayaa dhacay goor hore ee aroortii, January 27 ka dib markii tiro aan la garaneyn ee Xarakada shabaab ay weerareen xerada agagaarka sideeda habeenimo.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ku qarxiyeen gaari xamuul ah oo walxaha qarxa ku rarayihiin meel u dhow xerada ka hor inta ay rasaas ku furin askarta.

Inta u dhaxaysa 45 iyo 60 askari ayaa la sheegay in ay ku dhinteen weerarka markii Xarakada ay qabsadeen xerada KDF ee Kulbiyow ee Jubbada Hoose ee xuduudda la leh Kenya.

Laakiin afhayeenka KDF Lt Col Paul Njuguna ayaa ku tilmaamay sheegashada alshabaab mid dacaayad iyo brobogaando ah " laakiin ka gaabsaday inuu sheego khasaaraha inta ku dhintay, ama ku dhaawacmay ama la qabsaday ..

Inkastoo ilaha ay sheegayaan in weerarka uu dhacay 2 am, Col Njuguna ayaa sheegay in ay dhacday 5 am isagoo intaa ku daray in ciidamada KDF ay iska caabiyeen cadowga.

Faallooyin