Rag hubeysan oo xalay Nabadoon Muuse Xaaji Faarax ku dhaawacay Magaalada Boosaaso

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, ayaa sheegaya in xalay magaaladaasi lagu dhaawacay Nabadoon Muuse Xaaji Faarax, oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka.

Rag bistoolado ku hubeysnaa, ayaa Nabadoon Muuse Xaaji Faarax ku dhaawacay agagaarka Masaajidka Al Rashiid ee Bartamaha Magaalada Boosaaso.

Raggan oo aan si buuxdo loo aqoon heybtooda, ayaa weerarkaasi ka dib ka carararay halkii ay ka gaysteen, iyadoona ay daqiiqado ka dib gaareen ciidamada ammaanka.

Ciidamada ammaanka, ayaa hawlgal amni xaqiijin ahi ka sameeyay goobtaasi, balse ma jirto cid illaa iyo hadda la sheegay in ay u soo qab qabteen tallaabada lagu dhaawacay Nabadoonka.

Saraakiisha ammaanka iyo Maamulka Gobolka Bari, ayaan weli ka hadlin dhaawaca Boosaaso loogu gaystay Nabadoon Muuse Xaaji Faarax, oo si wayn looga garanaayay magaaladaasi.

Faallooyin