Saraakiisha dowladda oo sheegay in la soo afjaray weerarka Hotel Dayax (SAWIRRO)

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in lasoo Afjaray Weerarkii Al-Shabaab saaka ay ku qaadeen Hotel Dayax, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac Fara badan.

Wasiiro iyo sidoo kale Saraakiil ka tirsan ciidamada  ammaanka ayaa gaaray goobta uu ka dhacay Weerarka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in tirada Dhimashada ay ka badan tahay 10 qof, islamarkaana ay jiraan dhaawacyo aad u fara badan.

Waxaa aad u bur buray dhismooyin ku yaalay Afaafka hore ee Hotelka Dayax, maadaama Hotelka laamiga uu ka xigo Hal boos.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan, waxaana ay sheegeen dagaalyahano ka tirsan ciidamadooda inay gudaha u galeen Hotelka Dayax oo ay ka dagaalamayaan.

Faallooyin