Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare oo maanta Khudbado jeedinaya

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta KMG ee Aqalka Sare ka bilaabanaya Khudbadaha ay jeedinaya Musharaxiinta u tartameysa Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

16 Musharax ayaa Saakay lagu wadaa in ay jeediyaan Khudbadahooda Musharaxnimo ee Tartanka Guddoonka Aqalka Sare.

Lix iyo Tobanka Musharax ee u taagan qabashada Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya 7 ka mid ah waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad, halka 2 ka mid ah ay u tartamayaan Xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare, 7 kalena waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka labaad.

labada Musharax ee u taagan Guddoonka Aqalka Sare

  1. Cabdi Xaashi C/llaahi, ildhibaan hore
  2. Mustafe Maxamed Qodax,  xog-hayihii hore ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Somaliland

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad

  1. Xasan Faarax Xujaale.
  2. Axmed Xaashi Maxamuud
  3. Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
  4. Abshir Maxamed Maxamuud.
  5. Cabdi Axmed Dhuxulow.
  6. Maxamuud Axmed Maxamuud.
  7. Cabdirisaaq Cusmaan Cali.

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad

  1. Hodan Maxamuud Cusmaan.
  2. Osmaan Axmed Maxcow.
  3. Iftiin Xasan Baasto.
  4. Fartuun Cabdulqaadir Faarax.
  5. Sacdiyo Xasan Cusmaan
  6. Mowliid Xuseen Guuleed
  7. Cabdikaafi Macalin Xasan.

Maalinta Berri ah oo Axad ah ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Doorashada Guddoonka Aqalka Sare iyo ku xigeenadiisa.

Faallooyin