Somalida sharci la'aanta ku joogay dalka Mareykanka oo waqti dheeri ah loogu daray

Wasaaradda amniga Qaranka dallka Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in dadka Somaliyed ee sida KMG ah, ama sharci la’aanta ku jooga dalkaasi la siiyay waqti dheeraad ah oo gaaraya 18-bil. 

Xoghayaha amniga dalkaasi Jeh Johnson hadalkaan ku sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray, isaga oo tilmaamay in dowladda Mareykanka aqbashay 18-bil loo kordhiyo dadka Somaliyed ee haysta sharciga KMG ee loo yaqaano TPS. 

Waqtigaan kordhinta ah oo ka bilaabanaya 18-ka Maarso ee sanadkan 2017, ayaa wuxu ku egyahay 18 bisha Septemper ee sanadka 2018. 

Go’aankaan ayaa rajo badan ku abuuray dadka Somaliyed ee sida sharci daradda ah ku jooga wadanka Mareykanka, maadaama marxaladda dalka hadda ka jirta aysan saamaxayn in dad Somaliyed lasoo celiyo. 

In la helo Sharcigaan KMG ah ee mudada lagu daray ayaa u baahnaan doona buuxinta Foomam loogu tala galay iyo sidoo kale in su’aalo hor leh la weydiiyo dadka la siinayo.

Faallooyin