Xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed oo Mooshin ka diyaariyay Shariif Xasan Sheekh Aadan

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen in ay  Mooshin ka keenayaan Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaan Cusmaan Maxamed Caato oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed  oo ayaa sheegay in Mooshin ay u keeneen sababo la xariira xil gudasha la’aan ku timid Madaxda Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in Mooshinka xildhibaanada keenay ay dhan yihiin 84 mudane , islamarkaana ay doonayaan in ay xilka ka qaadaan Madaxweyne Shariif.

"Maya Mooshinka sidiisaba in aan uga dhawaaqno Muqdisho ma rabno, Baydhabo ayaan aadi doonaa, Meesha ayaana uga wada hadleynaa Mooshinka, 84 ruux ayaan mareynaa hada, Xildhibaano badan ayaa aragtidaan nala qaba oo qarkood wasiiro ay yihiin." Ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Maxamed.

Waxaa uu tilmaamay labadii sano ee uu xilka hayay in uusan waxba u qaban bulshada ku nool gobolada Bay , Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Maamulka Koonfur Galbeed malahan ilaa hada Madaxweyne Ku xigeen, waana sababaha ay tirsanayaan Xildhibaanada Mooshinka diyaariyay.

Faallooyin