NISA oo Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay dollarka madow oo hawlgal ay ku soo qabatay (Daawo Sawirada)

17 January 2017

Hay'adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa waxay maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay lacagta dollarka madow oo la dhaqay, ka dib hawlgal ay xalay ka fulisay Muqdisho.

Ciidanka Nabad Suggida, ayaa galay guri ku yaala Degmada Waaberi, waxaana ay ka soo qabteen lacagta la dhaqay, qalabkii lagu dhaqay iyo lix nin, oo ay falkaasi u soo xir xireen.

Taliska Nabad Suggida, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in baaris ay ku socoto xubnaha la soo qabtay, iyadoona ay ku raad-jooggan xubno kale oo falkaasi lala xiriirinayo.

Taliska, ayaa qoraalka ku cadeeyay in hawlgalkan uu kaga dhintay hal askari, halka mid kalana uu kaga dhaawacmay, ka dib markii ay iska caabin kala kulmeen raggaasi.

Ciidanka Nabad Suggida, ayaa waxaa maanta lagu arkayaa guriga laga soo qabtay dollarka madow, iyadoo ay Suxufiyiinta soo sheegayan in si ku meel gaar ihi ay ciidanku ula wareegeen gurigaasi.

1484651794fcb2c.jpg

1484651798b4c3a.jpg

1484651803fbb41.jpg

148465180425930.jpg

148465180666cfe.jpg

148465180736324.jpg

1484651808d3fb0.jpg

Comments