Nabadoon Islow Geedi oo xalay lagu dilay Degmada Wadajir, xilli uu masaajid ka soo baxay

Allaha u naxariistee Nabadoon Islow Geedi, ayaa xalay lagu dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, wax yar uun ka dib markii uu Salaadda Maqrib ku soo tukaday masaajid ku yaala xaafadda Siliga.

Nabadoon Islow Geedi, ayaa waxaa afaafka hore ee Masaajidka ku toogtay laba nin oo dhalinyaro ahaa, kuna hubeysnaa bistoolado. Raggan ayaa dilka ka dib ka cararay halkaasi.

Goobjooge, ayaa yiri "Nabadoonka waxaa lagu dilay afka hore Masaajid lagu magacaabo Bacweynaha, wax yar ka dib markii laga soo baxay Salaaddii Maqrib. Laba nin oo dhalinyaro ahaa ayaa madaxa kaga dhuftay xabado, wayna baxsadeen."

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu yiri "Aniga waxaan Masaajidka imid iyadoo Salaadda lagu jiro, nimankan dilka gaystay-na waxay fadhiyeen bannaanka Masaajidka. Markii Salaadda laga soo baxayna Nabadoonka ayay dileen."

Nabadoon Geedi, ayaa wuxuu ka tirsanaa ergadii soo xushay Xildhibaanada Maamulka Hirshabelle ku metelaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, iyadoona uu dhawaan uun dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Faallooyin