Hal Askari oo ku geeriyooday howlgal ciidamada NISA ay ku soo qabteen Warshad lagu sameynaayay Doolar Faalso ah

17 January 2017

Ciidamada NISA ayaa xalay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, waxa ay ka sameeyen howlgalo ku saabsan soo qabashada Warshad lagu sameeyo Doolarka Faalsada iyo ragii ku howlanaa arintaasi.

Howlgalka oo ka dhacay Degmada Waaberi, ayaa intii ciidamada NISA ay ku guda jireen howlgalkaasi waxaa dhacay Askari ka tirsan ciidanka NISA inuu ku geeriyooday howlgalkaasi.

Saraakiisha ciidamada NISA ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen raggii ku howlanaa sameysnta doolarka Faalsada ah iyo Warshadii lagu sameynaayay, iminkana ay ku jiraan gacanta Hay'adaha ammaanka.

Doolarka Faalsada ah ayaa caqabad ku ah ganacsiga iyo ammaanka, maadaama suuqa Isbedel uu ku keenaayo, sidoo kalena dadka lagu qiyaanaayo.

Saraakiisha Hay'ada Nabad Suggida ayaa sheegay inay sii wadayaan howlgalada ku saabsan xaqiijinta ammaanka iyo ka hortagga waxyaabaha Bulshada dhibaatada ku haayo.

Comments