Saddex Kursi oo Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland oo maanta Muqdisho ka dhaceysa

16 January 2017

Guddiga doorashada Dadban ee Somaliya ayaa sheegay in maanta magaalada Muqdisho ay ka dhaceyso doorashada saddex ka mid ah xubnaha maamulka Somaliland ku matalaya Aqalka Sare ee dalka. 

Xubnaha Kuraasta ku tartamaya ayaa waxaa ay tiro ahaan gaarayaan 10 qof oo ay ku jiraan 5 Dumar ah,kursi ka mid ah 3-da kursi waxaa ku tartamaya saddex Dumar ah. 

Kursiga 1aad waxaa ku tartamaya xubnaha kala ah :Xuseen Ceelaabe Faahiye,Maxamed Aadan Waaberi,Axmed Cabdi Faahiye iyo Ayuub Ismaciil Yuusuf. 

Kursiga 2-aad waxaa ku tartamaya saddex Gabdhood oo kala ah:

Hodon Abuukar Xasan,Deeqo Xasan Xuseen iyo Amran Cilmi Fariid.

Kursiga 3aad waxaa ku tartamaya xubnaha kala ah: 

Cumar Maxamed Aadan(Qaadi). 

Nuuro Faarax Jaamac iyo Caasha Axmed Cabdalla. 

6 ka mid ah Xubnaha Somaliland ku matalaya aqalka sare ayaa horay loo doortay,waxaa ka dhiman 5 kale oo 3 ka mid ah maanta la dooranayo,waxaana haraya 2 Xildhibaan oo kale,

Comments