Wiil uu dhalay Sarkaal Shabaab ka tirsan oo lagu dhex dilay Xabsiga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

Wararka aan ka helayno Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxa ay sheegayaan Wiil uu dhalay Sarkaal ka tirsan Ururka Al Shabaab in lagu dhex dilay Saldhiga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Dilka Wiilkaan dhalinyarada ah ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii nin maleeshiyaad ah uu Saldhiga gudihiisa ku dhex toogtay, xilli la sheegay ninka maleeshiyaadka ah Wiil ay walaalo yihiin Shabaab inay ku gowraceen duleedka deegaanka Moqokori ee Gobolkaasi.

Wararka waxa ay sheegayaan ciidamada Saldhiga Degmada Maxaas ay gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay falka dilka ah loo geystay Maxbuuska ku xirnaa Saldhiga.

Maxamuud Maxamed Xalane, Guddoomiyaha Degmada Maxaas ayaa sheegay falka inuu la xiriiro arimo ku saabsan aargoosi dileed oo ay habeen ka hor geysteen Ururka Al Shabaab.

“Ninka maxbuuska ah ee la dilay waxa uu ku eedeysnaa Al-shabaabnimo, annaga shacab baan ku ogeyn, balse aabihiis ayaa Al-shabaab ah, waa lasoo eedeeyey sidaas ayaan ku soo xirney, nin kamid ah Macawiisleyda (Maleeshiyo hubeysan) oo aabihiis xalay ay dileen Al-shabaab ayaa saldhigga yimid, waxaana u suuragashay inuu toogto maxbuuska.” Ayuu yiri guddoomiyaha.

Xaalada Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay tahay mid kacsan, waxaana Saldhiga aagiisa laga soo sheegayaa inay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Koox lagu magacaabo Macamuusleey oo ah Maleeshiyaad is aruursaday, dagaalna kula jira Ururka Al Shabaab.

Faallooyin