Maamulka cusub ee Degmada Baledweyne iyo Saraakiisha ciidamada oo amniga ka wada shiray

Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxaa ka dhacay kulan looga hadlaayay ammaanka Magaaladaasi, iyadoo kulanka uu soo qaban qaabiyay Maamulka cusub ee Degmada Baledweyne.[

Waxyaabaha kulankaasi diiradda lagu saarey ayaa kala ah sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen ciidamada amniga iyo guddoomiye waaxeedyada iyo sidoo shacabka B/weyne loola shaqeyn lahaa.

Guddoomiyaha Magaalada Baledweyne Ibraahim Food Cadde kulankasi kadib hadlay, ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la gaaro horumar dhanka amniga ah, ayna wada shaqeeyaan shacabka iyo maamulka.

“Ulajeedka kulanka amniga looga hadlayey wuxuu ahaa sidii amniga looga wad shaqeyn lahaa, sidii madax waaxeedyada B/weyne iyo sidoo kale saraakiisha amniga u wada shaqeyn lahaayeen, waxaana isla fahamnay in si wadajir ah looga shaqeeyo amniga’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Ugu dambeyn guddoomiyaha cusub ee magaalada B/weyne Ibraahim Food Cadde ayaa ugu baaqay shacabka B/weyne iney iskaashi sameeyaan oo ay la shaqeeyaan maamulkooda.

Faallooyin