Koox hubaysan oo Askari ku dishay Degmada Dharkiinley

14 January 2017

Koox hubeysan ayaa  xalay waxa ay askari ka tirsan ciidamada dowladda Fedaraalka Somaliya dil ugu geysteen degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir .

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana goobta durbadiiba gaaray ciidamo ka tirsan  kuwa maamulka degmada Wadjir.

Goobjooge ku sugnaa halka uu ka dhacay dilka ayaa Warbaahinta gudaha waxa uu faah-faahin ka siiyay sida uu dilkaasi ku dhacay.

“fal dil ah ayaa ka dhacay degmada Dharkeenley,  gaar ahaan agagaarka ajabka shidaalka, dilkaan lama oga cidda geysatay waxaan ka mid aheyn dadka goobta ku qaxweynaayay  inta u dhaxeysa macmacaanka iyo dabakaayo Madow,  waxaa goobta lagu dilay nin askari ah oo aan ku labisneyn dareyska ciidanka, waxa uuna xambaarsanaa qoray isla waqtigaas waxaa gadaal kaga yimid Labo qof oo aan heybtooda aan la garaneynin waxayna rasaas kaga dhufteen qeybta madaxa kadibna meesha ayuu ku dhacay”

Dilalka qorsheysan ee loo geysto ciidamada dowladda ka tirsan ayaa ka dhaca Magaalada Muqdisho, waxaana fuliya inta badan dhalinyarada ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Comments