Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku guuleystay mar kale xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa mar kale loo doortay afhayeenka aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday Golaha Shacabka.

Jawaari ayaa helay 141 cod oo u suurtogeliyay inuu noqdo guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Baaralmaanka Federaalka Soomaaliya.

Cododka Sida Loo Kala Helay:

Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari: 141 cod.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig: 97 cod.

Xildhibaan Idirs Cabdi Takar: 2 cod.

Xildhibaan Cabdifitaax Maxamed Ibrahim: 17 cod.

Cododka hallaabay: 2 cod.

Faallooyin