Ra'iisul Wasaaraha Canada oo Ahmed Hussen Wasiirka Socdaalka Iyo Jinsiyadaha ee dalka Canada

Ahmed Hussen oo ah nin asalkiisu yahay Somali ayaa loo magacaabay inuu noqdo wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalka Canada.

Isku shaan-dheyn uu Golahiisa Wasiirada ku sameeyey Ra’isul wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayuu Ahmed Hussen ku badalay wasiirki hore ee socdaalka John McCallum, kaasi oo loo magacaabay safiirka Canada u fadhin doona dalka Shiinaha.

Ahmed, ayaa noqday qofkii ugu horeeyey oo Somali ah oo gala baarlamaanka Canada sanadki 2015-kii, Wuxuu markaasi kasoo galay baarlamanka xaafada York South-Weston ee magaalada Toronto.

Hadda wuxuu noqon doonaa qofkii ugu horreeyay oo Somali ah oo jago wasiir ka qabta mid ka mid ah Dowladaha waaweyn ee caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada ayaa ugu baaqay masuuliyiinta dalkiisa inay soo dhaweeyaan wasiirka cusub, islamarkaana ay u muujiyaan wada shaqeyn dhab ah.

Faallooyin