Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maanta ka dhaceysa Muqdisho

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Golaha shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo Doorashada Guddooomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somaliya, maadaama horey ay u shaaciyeen Guddiga Qaban Qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad ee Somaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa isku diyaarinaya sidii ay u dhiiban lahaayeen codadkooda, oo ay u siin lahaayeen shaqsiga ay u arkaan in uu mudan yahay xilkan.

Sidoo kale maalinta berri ah oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 12-ka Bishan ayaa la filayaa in la soo doorto ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.

Faallooyin