Wasiir ku xigeenkii wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka Puntland oo iscasilay

Wasiir ku xigeenkii wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana) , ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi. 

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Garowe ayuu kaga dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu u hayay Maamulka Puntland. 

Wasiirka ayaa u sababeeyay is casilaadiisa arrimo shaqsiyadeed iyo culays kaga yimid xaga beeshiisa oo dalbatay inuu xilkaas iska casilo sababo uu ku macneeyay cabashadii beeshu ka muujisay wax qeybsigii xubnaha Aqal ka sare ee Puntland. 

Wasiirku wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay intii uu lasoo shaqeeyay Puntland uuna xiriir wanaagsan la leeyahay Madaxweynaha Puntland iyo xukuumadiisa, balse tilaabadaan uu u qaaday tixgelinta codsiga beeshiisa.

Faallooyin