Ciidamo isku gamaaday hooyga Magaalada Cadaado uu ka degan yahay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug

10 January 2017

Guriga Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed, ayaa waxaa isku gadaamay ciidamo hubeysan oo qaarkood la sheegayo in uu wajiga u duuban yahay. 

Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga Galmudug Juneyd Cigalle ayaa sheegay in Guriga Guddoomiyaha ay ciidankaas isku hareereeyeen una sheegeen in uusan banaanka u soo bixi karin. 

Xareed Cali Xareed, ayaa Warbaahinta ka sheegay ammaanka Xildhibaanada Galmudug inuu Qatar ku jiro, islamarkaana ka dalbaday ciidamada Amisom inay sugaan amniga Xildhibaanada. 

Arrintan waxaa ay la xiriirtaa Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ee ay wadaan Xildhibaannada Galmudug oo uu hoggaaminayo Xareed Cali Xareed.

Comments