Ceydiid Ilka Xanaf oo sheegay inuu dib ugu laabanaayo Somaliland

Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Sare ee Somaliya Caydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf ayaa sheegay in uu dib ugu laaban doono degaanada Somaliland oo uu kasoo jeedo hadii loo diido in uu isku sharaxo xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya degaanada maamulka Somaliland.

Ilka Xanaf ayaa sheegay in Madaxda dowladda Somaliya hadii aysan si siman ugu shaqeyn siyaasiyiinta xildoonka ah in uu dib ugu laabtan doono degaanadii uu kasoo jeeday.

Hoggaanka Sare ee dalka ayuu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Cadaaladda..

“ Hadii la ii diido inaan is sharaxo waa inaan gurigeyga tagaa wax badan ayaan ka maqnaa gurigeyga, reerkii iyo caruurtii, aniga Boos kama rabo, laakiin la talin hadii la ii yimaado maxaa taas laga yeelaa waan u sameyn doonaa.” Ayuu yiri Ilka Xanaf.

Ilka Xanaf ayaa muddo dhowr sano ah waxaa uu ahaa gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliya, waxaana uu ka mid yahay siyaasiyiinta kasoo horjeeda gooni isku taaga Somaliland.

Faallooyin