Xildhibaanada Galmudug oo Amisom ka dalbaday inay amingooda sugaan

Xildhibaanada Galmudug oo Amisom ka dalbaday inay amingooda sugaan10 January 2017

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa ka dalbaday ciidamada Amisom inay sugaan ammaankooda, kadib markii ay sheegeen inay dareemayaan qatar dhanka ammanka ah.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed oo la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay inay u baahan yihiin in si gaar ah amnigooda loo sugo.

Waxa uu sheegay qatar dhanka ammaanka ah inay dareemayaan Xildhibaanada, islamarkaana walaacaasi uu sii kordhay, markii xubno ka tirsan Baarlamaanka ay sheegen inay halis ku jiraan.

Xubnaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa diyaariyay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanada Galmudug oo loo diiday inay ku shiraan xarunta Baarlamaanka ee Madaxtooyada, ayaa hada shirarkooda waxa ay isugu yimaadaan meel ka mid ah Magaalada Cadaado.

Comments