Ahlu Sunna oo dhisatay Baarlamaan ka kooban 65 Xubnood

Ahlu Sunna oo dhisatay Baarlamaan ka kooban 65 Xubnood10 January 2017

Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, ayaa ku dhawaaqay inay dhisteen Baarlamaan cusub oo ka kooban 65 Xubnood, kadib markii xalay munaasabad ay ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Baarlamaanka cusub oo 65 Xubnood ka kooban, ayaa waxaa laga soo kala xulay dhamaan deeganada ay gacanta ku hayaan Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe.

Sidoo kale Baarlamaankaasi la soo xulay ayaa waxa ay doorteen Guddoomiye Baarlamaan, waxaana loo doortay Saadaq Sheekh Yuusuf oo horay u ahaa Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Gobolada Dhexe, balse xilkaasi laga qaaday.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxweynaha Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa dar daaran adag u jeediyay xildhibaanada cusub ee la doortay.

“Xildhibaanada sharafta leh ee halkaan ku kulansan, waa taariiq weyn kulankii ugu horeeyay ee uu qaadanaayo Baarlamaanka dowlad Goboleedka Gobolada Dhexe, waxaan ku dar daarmayaa inay hagaan shacabkooda oo diinta ay ku hagaan, aad iyo aad ayaan u bogaadinaynaa, waxaan ku boorinaynaa inay kasbadaan shucuubta walaalaha ah ee Goboladan ku nool.” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa sidoo kale sheegay doorashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb inay aheyd mid aanan lagu socod siin dhaqaale, balse lagu socod siiyay qaab xalaal ah.

“Hadii ay jirtay Doorasho dhaqaale lagu socod siin jiray, hadii ay jirtay Doorasho la is gadanaayay, waa ka duwan tahy midaane oo waa xalaal.” Ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Comments