Madaxweynaha Hirshabelle oo masuuliyiin cusub u magacaabay Maamulka Degmada Baledweyne

Madaxweynaha Hirshabelle oo masuuliyiin cusub u magacaabay Maamulka Degmada Baledweyne10 January 2017

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa magacaabay Guddoomiyaha degmada Baladweyne, Guddoomiye kuxigeenka degmadaasi iyo Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaa.

Guddoomiyaha Degmada Baledweyne ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Axmed Ibraahim halka Guddoomiye ku xigeenka degmadaasi loo magacaabay Qadar Xasan Afrax.

Ducaale Aadan Cabdi ayaa isna Madaxweynaha Hirshabeelle wuxuu u magacaabay Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.

Shalay ayay aheyd Markii Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle uu xilkii ka qaaday Mas’uuliyiinta Magaalada Baledweyne iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenka degmada Matabaan.

Comments