Shabaab oo ugaarsiga iyo ka ganacsiga Xayawaanka Duurjoogta ka mamnuucay Gobolada Jubbooyinka

Shabaab oo ugaarsiga iyo ka ganacsiga Xayawaanka Duurjoogta ka mamnuucay Gobolada Jubbooyinka09 January 2017

Al Shabaab ayaa sheegay guud ahaan Gobolada Jubbooyinka inay ka mamnuuceen ka ganacsiga iyo ugaarsiga Xayawaanka Duurjoogta ah, kadib war ka soo baxay Maamulka Shabaab ee jubbooyinka.

Guddoomiyaha Shabaab u qaabilsan Gobolada Jubbooyinka Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo la hadlay Warbaahinta afka SHabaab ku hadasha ayaa wuxuu sheegay cidii lagu arko iyadoo ugaarsaneysa xayawaanka duurjoogta ah ee Jubbooyinka ku nool in tallaabo laga qaadaayo.

Waxa uu sheegay dadka Jubbooyinka ku nool in laga doonaayo inay u hogaansamaan amarkaasi, isalmarkaana aysan u gaarsan xayawaanka Duurjoogta ah.

Waxa uu sheegay goob Xayawaanka duurjoogta ah lagu xanaaneeyo inay ku taallo Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi ciidamada Shabaab ay ku ilaaliyaan.

Al Shabaab ayaanan ka wada talin guud ahaan Gobolada Jubbooyinka oo waxa ay ka taliyaan kaliya Gobolka Jubbada Dhexe iyo deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada hoose.

Comments