Wasaarada Amniga oo amar ka soo saartay ciidanka shacabka dilka u geysta

Wasaarada Amniga oo amar ka soo saartay ciidanka shacabka dilka u geysta09 January 2017

Wasaaradda amniga ee Dowladda Federaalka Somaliya ayaa war ka soo saartay ciidamada hubeysan ee waddooyinka Muqdisho sida bareerka ah ugu dila dadka shacabka ah.

Warkan ay soo saartay wasaaradda amniga ayaa daba socday kadib markii  maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho si bareer ah ciidamo ka tirsan dowladda ugu dileen wadayaal Mooto oo aanan waxba galabsan.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha C/kaamil Macalin Shukri oo ka hadlay arinta ku aadan ciidamada dilka u geysta shacabka ayaa wuxuu yiri.

 “Waxaad arkaysaa qof isku ekaysiinaya shacabkii baabuur raaxa ah wata oo hadana geysanaya falal dhibaato ah markaa waxaa laga yaabaa ciidanka iyagoo ka taxadaraya dadkaas iney xadgudub sameeyaan waa suurogal, wax la ogolyahayna maaha sharcigaa la mariyaa haddii ay dhacdo oo ay si toos ah noosoo gaarto, askarigii geystana waa lala xisaabtamaa”.

Magaalada Muqdisho ayaa ah magaalo Nabad ah, iyadoo mararka qaar la arko ciidamo ka tirsan dowladda oo si naxariis darro ah xabado ugu furaya dad shacab ah, gaar ahaan marka ay waddooyinka furanayaan ama ay arkaan gaadiid ay ka shakiyaan.

Comments