Madaxweynaha Galmudug: Ma haboona Baarlamaanka inuu xilligaan Mooshin iga gudbiyo

Madaxweynaha Galmudug: Ma haboona Baarlamaanka inuu xilligaan Mooshin iga gudbiyo09 January 2017

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, ayaa wuxuu ka hadlay Mooshinkii shalay ay ka gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug. 

C/kariin Guuleed waxa uu sheegay in xilligaan laga haboon yahay Xildhibaanada Galmudug inay diyaariyaan Mooshin isaga xilka looga qaadaayo.

Waxa uu sheegay Baarlamaanka inuu awood u leeyahay xilka inay ka qaadaan, balse muhiim ay tahay xilliga lagu jiro marxalada dalka inay eegaan Xildhibaanada waa sida uu yiri. 

“Shaki kuma jiro Baarlamaanka inuu leeyahay awoodo, awoodahiisa Dastuuriga ahna waxaa ka mid ah in Madaxweynaha xilka ka qaadaan, iyo in Waajibaadka Dastuuriga ah qaataan, waxaan leeyahay maanta kuma habooneyn munaasabna kuma aheyn Mooshin noocaasi oo kale ah in la keeno, umana maleynaayo in shacabka Somaliyed ay maslaxad u tahay, waxaan u soo jeedin lahaayeen Baarlamaanka in arintaa iyada ah loo dareemo maanta inaysan habooneyn, Duruufta iyo marxalada dalkana la eego.” Ayuu yiri Guuleed.

Xildhibaano gaaraya 50 Xildhibaan ayaa shalay Mooshin xil ka qaadis ah u gudbiyay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed, iyadoo maanta laga doodaayo Mooshinkaasi.

Comments