Wasiir ka tirsan Koonfur Galbeed oo sharcidaro ku tilmaamay Musharaxnimada Shariif Xasan

Wasiir ka tirsan Koonfur Galbeed oo sharcidaro ku tilmaamay Musharaxnimada Shariif Xasan09 January 2017

Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay inay sharcidaro tahay in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu isku soo sharaxo Xilka Madaxtinimada dalka.

Axmed Maxamed Barre (Macalin Barre) oo ah Wasiirka Diinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in laga doonaayay Madaxweyne Shariif Xasan inuu iska casilo xilka Madaxtinimada Koonfur Galbeed, kadibna uu isku soo taago xilka Madaxtinimada Somaliya.

Laakiin isaga oo aanan iska casilin xilkaasi ayuu ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimada Somaliya, taasina wuxuu ku tilmaamay mid sharcidaro ah.

“Waa sharci daro in Shariif Xasan uu musharaxnimo ku dhawaaqo, waxaa marka hore qasab ah in Shariif Xasan uu is casilaa, maanta madaxweyne malahan koofur galbeed, ciddii dooneysa xilkaasi wuu u banaan yahay”

“Waxaan ku baaqayaa in la iclaamiyo shir aan caadi aheyn oo baarlamaanka iskugu yimaado, si loo sameeyo loona doorto hogaan cusub uu Koofur Galbeed ay yeelato”ayuu yiri wasiirka diinta.

Comments